|

(DAAWO) Faroole oo beeniyay In uu ka tanaasulayao Tartanka Xilka MD ee Federaalka.

Dec14 (Allshacabka)— Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay kulan afar geesood ahaa oo maalin ka hor ku dhex maray Garowe, isaga, Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo C/risaaq Jurille.

Faroole ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid wada-tashi ah oo Saxaafada laga qariyay inta badan waxyaabaha laga hadlay, isagoo xusay in arrimo u gaar ah Puntland looga hadlay.

“Kulankaas wuxuu ahaa mid wada-tashi ah, maadaama uu soo gaba gaboobay doorashada Aqalka Hoose,  dhowaana la aadi doono Muqdisho, waxaa kaga hadalnay wixii naga aadan doorashada, Warbaahintana lagama sheegayo”ayuu yiri Faroole.

Waxaa uu meesha ka saaray warar warbaahinta ka qortay kulankooda, isagoo beeniyay in isaga uu ka tanaasulayo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha.

“Waxyaabaha la qoray waxba kama jiraan, Tanaasulaadna maka diyaar garoobin, Musharaxiinta reer Puntland labadeena kaliya ma ahan, talada un baa naga dhaxeysay”      ayuu yiri Faroole.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu dhawaaqay inay lagama maarmaan tahay in is bedel ku yimaado hoggaanka dalka.

HALKAAN KADAAWO

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=9176

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]