|

(DAAWO MUUQAAL) Kala-hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh “Mar dambe isma soo sharxi doono”.

Dec 13 (Allshacabka) Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa isagoo bixinayay wareysi kadib markii la doortay sanadkii 2012-kii, waxa uu sheegay inuusan mar kale isu soo taagi doonin hogaanka dalka.

Waxa uu xilligaas naawilayay inuu ka faa’iideysto waqtigiisa afarta sano ah.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaan dib loo soo dooran doonin isagoo sababtana ku sheegay inaan looga baran dhaqanka siyaasadda Somaiya in mar kale la caleemo saaro madaxweyne la tijaabiyay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay inuu  xoogga saarayo muddo-xileedka uu heystay ee afarta sano ahayd kadibna uu booska banneynayo.

Waxaa la dheregsanyahay in madaxweynuhu baalmaray ballanqaadkaasi uu sameeyay, isagoo haatan ah murashax madaxweyne.

Dadka naqdiya Madaxweynaha waxay ku eedeyeen inuu faragelin toos ah ku hayo nidaamka doorasho ee dalka, waxayna rumeysan yihiin inuu adeegsaday awood kasta si ay u soo baxaan xildhibaano isaga daacad u ah.

Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyey inuu Madaxweynaha doonayo si uu u helo codad uu mar kale hayinka ugu qabto dalka ay colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday la dageen ee Somaliya.

 

HALKAAN KADAAWO

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=9143

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]