|

DAAWO+SAWIRRO: Musharax Dr. Cali Xaaji oo lagu soo dhaweeyey Moqdisho.

06 JAN (ALLSHACABKA)- Musharax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada dawladda federaalka ah ee Somaliya.

Soodhoweyn diiran ayuu Dr. Cali Xaaji Warsame kala kulmay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid yahay Musharixiinta ugu cad-cad xilka Madaxweyne ee doorshada Somaliya.

Mudane Cali, oo la hadlaya bulshadii soo dhaweysay oo isugu jirta Xildhibaanada cusub ee federaalka, culumo, ganacsato iyo shacab fara badan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya hesho hogaan wannaagsan, daacad ah oo dalka iyo dadka u shaqayn kara.

Musharax Cali Xaaji ayaa sheegay in mmadda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Siyaasi Jeebkiisa ka wayn, oo ah wadani u adeegaya Ummadda Soomaaliyeed oo hantida uu leeyahay la ogyahay inta uusan isa sharixin.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa lagu wadaa in uu kulan balaaran la qaato dhamaan xildhibaanada federaalka ee Moqdisho ku sugan aqalka hoose iyo sarre.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda olllole aad u balaaran, waxaana musharixiintu ay si wayn ugu dagaalamayaan hogaanka ugu sareeya Soomaaliya.

In kabadan 250 xildhibaan, boqolaal kun oo shacab ah, Culumo, Ganacsato iyo dhamaan reer Moqdisho oo aan qof ka maqneyn ayaa siweyn usoo dhaweeyey musharaxa ugu cad-cad madaxtinimada Somaliya Dr. Cali Xaaji Warsame.

SAWIRRO+VIDEO:

cali-soodhaweyncali-soodhaweyn-1cali-soodhaweyn-2cali-soodhaweyn-3cali-soodhaweyn-4cali-soodhaweyn-5cali-soodhaweyn-6cali-soodhaweyn-7cali-soodhaweyn-8cali-soodhaweyn-9cali-soodhaweyn-10cali-soodhaweyn-11cali-soodhaweyn-12cali-xaaji-haaf-qurxoon

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=9736

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Haddii aad awoodid qaybta Sare ee Facebook aragtidaada ku dhiibo.

300x250 ad code [Inner pages]