Guuleed oo la cayriyey iyo Puntland oo la sugayo.

10 January (ALLSHACABKA)- 

Baarlamaanka maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa hadda kalsoonidii kala laabtay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana kulan ay magaalada Cadaado ku yeesheen Xildhibaanada Galmudug ay xilka uga qaadeen Madaxweynne Guuleed oo cod aqlabiyad leh looga qaaday.

54 Xildhibaan ayaa u Codeeyay in Madaxweyne Guuleed Kalsoonida lagala  laabto islamarkaana uusan hadda Madaxweyne aheyn oo uu waayay Kalsoonida Baarlamaanka.

Ma jirto cid diiday iyo cid ka laabatay, waxaana Madaxweyne Guuleed uu sheegay in uusan aqoonsan doonin Waxii ka soo baxa Mooshinka laga wado.

Baarlamaanka Galmudug ayaa simuqraadiyad muujiyey iyo in isbedel la sameyn karo, waana markii ugu horeysay ee ay Madaxweyne xil ka qaadaan waxyar talinayay.

Maamulka Puntland oo isagu qaan gaaray oo siddeed iyo toban sanno jirsasaday ayaa shacabka Puntland ka war sugayaan in ay ku daydaan Galmudug.

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com


Wakiilka Xogta Shacabka Allshacabka.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Allshacabka@yahoo.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




 
/