DEG DEG: Saraakiil goordhaw Bosaso lagu laayey.

11 January  (Allshacabka)- Wararka naga soo gaaraya magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso oo ah xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw saldhiga qaybta lagu laayey saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland.

Goordhaweyd oo duhurkii ay tahay ayaa laba nin oo katirsan ciidanka 21aad ee Galgala waxaa lagu toogtay meel aan waxba ka fogayn saldhiga qaybta Bosaso.

Dilka kadib ayaa ragii falkaas geystay meesha isaga dhaqaaqeen iyagoon wax iska caabin ah la kulmin waana meeshii lagu dilay taliyihii maxkamada militeriga Puntland Firdhiye.

Illaa hadda saraakiisha ciidanka booliiska gobolka Bari iyo maamulka dawladda Puntland kama hadal dilka goordhaw Bosaso ka dhacay.

Maahan dhacdadii ugu horeysay ee Bosaso ka dhacda oo bishii hore waxaa Bosaso lagu dilay 12 sargaal oo Puntland ka tirsan iyo lix shacab ah, mana jirto cid loo qabtay ama maxkamad lasoo istaajiyey illaa hadda.

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com


Wakiilka Xogta Shacabka Allshacabka.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Allshacabka@yahoo.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




 
/