SAWIRRO+WARBIXIN: Xadaaradii Puntland oo Canada iyo Mareykan ku barwaaqoobeen.

Caada,  11 JAN (ALLSHACABKA)

Ahmed Hussen oo ah nin reer Puntland, ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu maanta golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalweynaha Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Somali ah oo kamid noqda baarlamaanka Canada sanadkii 2015. Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto halkaas oo ay u badan yihiin shacab weynaha Puntland.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha caalamka ugu waaweyn ee reer Galbeedka.

Axmed Xuseen ayaa sanadkii 1996-dii galay dalka Canada isagoo qaxooti kana soo qaxay magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya. Magacaabista Axmed Xuseen ayaa waxaa si weyn loogaga soo dhoweeeyay dalka Canada oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1975, waxaana uu yahay qareen Madaxweyne ka ah Xisbiga Soomaali-Canada (Canadian Somali Congress) 19kii Oktoobar 2015 ayaa loo doortay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Canada isagoo laga soo doortay,York South—Weston waxana uu xubin ka noqday xisbiga Liberalka ee dalka Canada.

Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa ku soo barbaaray dalka Soomaaliya waxana uu tagey dalka Kanada isagoo ah qaxooti sanadkii 1996dii waxana uu waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhamaystey Hamilton waxana uu shahaadada BA ku qaatay Jaamacada York isagoo bartay Taariiqda,hase yeeshee Axmed ayaa waxbarashadiisii taqasuska ku qaatay Jaamacada Ottawa isagoo barta sharciyada bishii September 2012. Axmed Xuseen ayaa ah aabe dhalay labo carruur waana nin haysta diinta Islaamka.

Ahmed ayey qaraabo isku dhaw yihiin xildhibaankii isna ugu horeeyey oo Mareykanka wax ka noqda Cabdi Warsame iyo gabadhii Muslim ah oo iyaduna ugu horeysay Ilhaan Cumar.

Inta badan dawladaha reer Galbeedka waxaa jagooyin sar-sare ka qabta dadka asal ahaan kasoo jeeda Puntland taas oo ku tusinaysa xadaarada weyn ee dadka reer Puntland leeyihiin mana ahan Mareykanka iyo Canada oo keliya inta badan Yurub waxaa xilal sare ka haya reer Puntland.

Saxaafadda Mareykanka iyo Canada ayaa bogooda hore ku qoray oraahyo cajiib ah oo ay ka mid yihiin liibaantii Puntland ayaa Mareykan iyo Canada soo gaartay.

SAWIRRO:

axmed

ah

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com


Wakiilka Xogta Shacabka Allshacabka.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Allshacabka@yahoo.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




 
/