|

DHAGEYSO: CAAWA IYO DALJIR OO SHIDAN IYO TALLMAN.

Boosaaso, Jan 11 (Allshacabka)-Halkaan ka dhagayso barnaamijkii fiidnimo ee caawa iyo daljir, waxaa barnaamijku caawa idinkaga imaanayaa magaalada Boosaaso waxaana idinla socodsiinaya wariye Axmed Shiikh Maxamed Tallman, waxaad barnaamijka ku maqli doontaan wararkii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya oo ka kooban, waraysiyo, warbixinno, faalooyin, iyo xogo-dheeraad ah.

Dhanka kale markii ugu hoarays ayaa Puntland ay ka hadashay xil ka qaadista lagu sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guuleed.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Abgaaloow ayaa sheegay Puntland inaysan wax dhibaato ah u arkaynin go’aanka barlamaanka Galmudug ay xilka uga qaadeen madaxweynihii hore ee Galmudug Guuleed.

Xasan Maxamed ayaa sheegay  in arrintana aysan wax saamayn ku yeelandoonin heshiiskii magaalada Gaalkacyo iyo kii Moqdisho, isagoo sheegay heshiiskaasi inuu yahay heshiis heer gobol oo ay go’aankiisa leeyihiin dadka reer Gaalkacyo ee ay dhibaatadu kala kala gaartay.

CAAWA IYO DALJIR IYO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG HOOS KA DHAGEYSO:

GUDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG OO XILKA QAADISTII GUULEED KA HADLAYA.

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com

 

 

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=9863

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]