|

PEP GUARDIOLA vs JOSE MOURINHO

April 27 (Allshacabka)- Indhaha oo dhan caawa waxey kusii jeedaan garoonka Etihad Stadium ee magaalada Manchester waxaana ku dagaalami doona caawa koxaha labada ah ee Man United iyo Man City kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo kal hore u baaqday.

Pep Guardiola ayaa soo dhaweyn doona Jose Mourinho – iyadoo ay xusid mudan tahay iney laba guulood kala qaateen labadii jeer ee ay is arkeen xili ciyaareedkaan kulan 2-1 ku dhamaaday oo ay City guusha ku heshay ciyaar ka tirsan Premier League iyo kulan 1-0 kusoo idlaaday oo Citizens looga reebay tartanka EFL Cup.

Haddaba waxaa lasoo calaameeyay Shan meelood oo ay ku kala badin karaan labada kooxood sida macquulka ah.

ANTONIO VALENCIA vs LEROY SANE:

Antonio Valencia ayaa dib ugu slaabanaya Manchester United balse wuxuu wajahi doonaa mid ka mid ah wiilasha da’da yar kuwooda ugu farsamada wanaagsan oo ay heystaan Manchester City waana Leroy Sane.

Leroy sidii uu u yimid horyaalka Premier League wuxuu noqday mid aad ula qabsaday wuxuuna awood u leeyahay inuu si cajiib ah ugu gooyo qof walba, halka Valencia uu yahay mid ka mid ah daafacyada ugu awooda badan oo ay heystaan Red Devils.

ANDER HERRERA vs DAVID SILVA

Ander Herrera wuxuu amaan badan ku mutay inuu dhaqaaq u diiday Eden Hazard kulankii ay kooxdiisa 2-0 guul ah ka gaartay Chelsea kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Balse su’aasha waxey tahay miyuu ka guuleysan ninka ay dhalashada wadaagaan balse aan la joojin karin ee David Silva kaas oo aan u baahneyn waqti badan inuu kubadda lugta ku haayo ahna mid ka mid ah ciyaartoyda aan sinaba loo fahmin qiyaanadooda.

Inakastoo aan la ogeyn sida uu ciyaariyahanka reer Spain taam buuxa ugu noqon doono madama uu dhaawac kaga baxay kulankii Arsenal hadana waa la filayaa inuu qeyb ka qaato.

MKHITARYAN vs FERNANDINHO

Fernandinho ayaa caawa ciyaari doona sida la maleynayo khadka dhexe, wuxuuna dagaal badan la gali doonaa Henrikh Mkhitaryan oo la aaminsan yahay inuu kusoo bilaaban doono kulanka caawa.

Waa dagaal hadii awood jir ahaaneed la eego uu ku guuleysan karo Fernandinho, balse uu dhanka kale guul heli karo hadii la eego farsamo ahaan Mkhitaryan.

Dagaalka labadaan xidig ayaa noqon kara mid aad natiijada wax uga badala waayo Mkhitaryan waa nuuca ciyaartoyda ee hadey u dhawaadaan xerada ganaaxa abuuri kara fursado halis ah.

MARCUS RASHFORD vs VINCENT KOMPANY:

Marcus Rashford waa ciyaariyahanka la filayo in caawa dusha laga saaro masuuliyadda weerar ee kooxda madama uu maqan yahay Zlatan Ibrahimovic.

Xidigaan da’da yar wuxuu awood u leeyahay inuu u dhawaado goolka sida ugu fiican, balse wuxuu wajahi doonaa mid ka mid ah daafacyada ugu adag ee ay kooxi leedahay waana kabtan Kompany.

Isku dhaca labadooda muhiim ayuu u yahay kulanka madama United ay dhibtoon doonto hadii Kompany uu ka guuleysto wiilkooda.

PEP GUARDIOLA vs JOSE MOURINHO:

Xeeladaha labada macalin waa midda ugu muhiimsa ee kooxda ay guul ku heli karto, waana meel kale oo ugu yaraan go’aamin karta kulanka marka la eego ciyaartoyda lagu soo bilaabay, qaab badalka iyo sida uu macalin walba u aqriyo kulanka.

Xigasho laacib

Laxariir

Allshacabka@yahoo.com

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=12234

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]