|

Real Madrid Oo Ku Kalsoon Saxiixa Kane, Man United Oo Laga Soo Diiday Dalab Rasmi Ah, Arturo Vidal Oo Doonayay Arsenal, Barcelona Oo Doonaysa Xiddig Premier League Ah Iyo Wararkii

PARIS, 22 OCTOBER (ALLSHACABKA)-

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaan furmi doonin ilaa laga gaaro 1 bisha January ee sanadka 2018 laakiin kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa bilaabay in ay raadiyaan xiddigo ku haboon kooxdooda oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Kooxda Real Madrid oo ku qanacsan in ay heli doonaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane marka la gaaro xagaaga dambe (The Sun).

Real Madrid ayaa isha ku haysa tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino iyada oo u aragta tababarka ugu haboon ee shaqada ka badali kara Zinedine Zidane (The Sun).

Kooxda Man city ayaa la socon doonta xaalada daafaca bidix ee Faouzi Ghoulam kadib markii uu xiddigan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Etihad kulankii champions league (The Sun).

Man city ayaa daafaca Mouctar Diakhaby ku dartay liiska xiddigaha daafacyada dhexe ah ee ay doonayso in uu ku xoojiso kooxda (The Sun).

Kooxda Man United ayaa laga soo diiday dalab lacageed oo dhan 5 milyan oo euro oo ay ula tagtay kooxda Aston Villa oo ay kaga doonaysay da,yarka Keinan Davis (The Sun).

Kyle Walker ayaa kooxda waydiistay in uu isaga tago dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore sida uu sheegay tababaraha kooxda ee Mauricio Pochettino (Daily Mail).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay 30 milyan ku soo xero galiso xiddiga khadka dhexe ee Spain U21 ee Carlos Soler marka uu Janaury suuqa kala iibsigu furmo (Daily Mail).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere kaas oo uu dhawaan heshiiskiisu dhacayo (Daily Mail).

Tababarihii hore ee kooxda Man city ee Roberto Mancini ayaa ugu cad-cad shaqada tababaranimo ee kooxda West Ham hadii shaqada laga cayriyo Slaven Bilic (Sunday Mirror).

Tababarihii hore ee kooxda Man United David Moyes ayaa qaban doona shaqada kooxda Everton hadii ay Everton shaqada ka cayriso Ronald Koeman (Sunday Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haysa da,yarka u ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo ay la dhacsantahay qaab ciyaareedkiisa (Sunday Mirror).

Tababaraha Kooxda Man United ee jose Mourinho ayaa racfaan ka qaadan doona hadii Marcos Rashford looga yeero xulka qaranka Fasaxa xulalka ee bisha dambe (Sunday Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa january dhagaysan doonta dalabyada amaahda ah ee u imanaya xiddiga weerarka ug ciyaara ee Danny Ings hadii uu ka mid noqon waayo qorshaha tababare Klopp inta ka dhiman January (Sunday Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal ayaa doonayay in uu ku soo biiro kooxda Arsenal laakiin xaaskiisa ayaa u doortay in uu ku biiro Bayern Munich (Sunday Mirror).

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa kooxdiisa ogolaansho u siiyay in ay u dhaqaaqaan daafaca bidix ee kooxda Benfica ee Alex Grimaldo (Sunday Mirror).

Tababare Carlo Ancelotti ayaa ugu cad-cad in uu shaqada tababarenimo ka badalo tababarahah reer Italy ee Antonio Conte (Sunday Express).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Denmark iyo kooxda Tottenham ee Christian Eriksen (Sunday Express).

Xigasho Kooxda.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=15701

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]