|

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Heshiiska Uu Xiddiga Arsenal Mesut Ozil Ugu Biirayo Manchester United

PARIS, 20 OCTOBER (ALLSHACABKA)

Mesut Ozil ayaa u sheegay asxaabtiisa kooxda Arsenal inuu ku biiri doono Manchester United, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

Ozil oo 29 sanno jir ah ayaa diyaar u ah inuu u wareego kooxda Shayaadiinta Cas Cas, waxaana uu kalsooni ku qabaa inuu u wareegi doono Old Trafford.

Xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka ayaa qandaraaskiisa Arsenal uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu kooxda Gunners uga tagayaa si bilaash ah, laakiin tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa saxaafada ka hor qirtay isbuucii la soo dhaafay inay iibin karaan ciyaaryahanka bisha Janaayo

Waxaana ay taasi haatan albaabka u furtay suurtogalnimada uu Ozil ugu wareegi karo mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee ay Arsenal xafiiltamaan.

Waxaase weli la sugayaa in la arko haddii kooxda Old Trafford ka dhisan ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka bisha Janaayo.

Ozil, oo waayay booskiisa joogtada ah ee Arsenal ayaan wax qarsoon ka dhigin inuu isku diyaarinayo inuu baxo.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa isna qirtay in Ozil uu u arko Mesut Ozil No.10-ka dunida ugu fiican.

Inuu si bilaash ah ama lacag yar ah kula soo wareego mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Arsenal ayaa ka dhigan in Mourinho uu heli doono fursad uu gacanta sarre kaga helo tababaraha ay xafiiltamaan ee Wenger.

Wakiilada Ozil ayaa u bandhigay Arsenal in ciyaaryahanka uu saxiixi doono qandaraas cusub haddii ay bixinayaan mushahar gaaraya 350 kun ginni isbuucii.

Kooxda Gunners ayaa u bandhigtay ciyaaryahanka mushahar gaaraya 275 kun ginni isbuucii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Source Laacib.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=15636

You can leave a response or trackback to this entry >ping_status)) { // Only Pings are Open ?> Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login

300x250 ad code [Inner pages]