|

Isku aadka wareega 16-ka ee Champions League-ka: Real vs PSG, Chelsea vs Barca

LONDON, 11 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareega 16-ka ee Koobka Champions League, iyadoo ay isku aadeen kooxo aad loo saadaalinayay inay isku beegmayaan.

Kooxda difaacaneysa Koobka Champions League  Real Madrid ayaa ku aaday Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska PSG ee sanadkan boqolaalka milyan ku soo iibsatay Neymar iyo Mbappe.

Barcelona ayaa iyana ku aaday kooxda taariikhda ay xafiiltamaan dhowr jeer hore wareegan isku aaday ee Chelsea.

Kooxda Juventus oo sanadkii hore timid Finalka Champions Leageu ayaa ku aaday Kooxda Tottenham.

Waxaa is aragga hore ee kulamadan ayaa la ciyaari doonaa February 13/14  iyo 20/21 sanadka 2018

Sidoo kale is aragga labaad ayaa la ciyaari doonaa March 6/7 iyo 13/14

Hadaba sidan ayay isugu soo beegmeen kooxaha:-

Juventus v Tottenham

FC Basel v Manchester City

FC Porto v Liverpool

Sevilla v Manchester United

Real Madrid v Paris Saint-Germain

Skahtar Donestk v AS Roma

Chelsea v Barcelona

Bayern Munich v Besiktas

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=16773

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]