|

WARBIXIN: Kulanka ugu xiisaha iyo xamaasada badan Banaadir Vs Puntland

MOQDISHO, 18 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Kulanka xili ciyaareedkaan ugu wayn horyaalka gobolada Soomaaliya ayaa goordhaw wuxuu kadhacaya Garoonka Kooni ee magaalada Moqdisho, kaas oo dhex mari doona maamulada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland (Derby) isla markaana ay colaada wayni ka dhexayso. Ciyaartoyda Puntland iyo Galmudug oo waqti dheer ku soo xifaaltamayey Idaacadaha iyo baraha bulshada ayaa garoonka isku soo gali doona iyadoo kulankani uu noqonayo midkii ugu xamaasada badnaa.

Galmudug waxey ciyaareysaa kulankii ugu horeeyay group-ka A, madama ay ciyaartii furitaanka is wajaheen Banaadir iyo Jubbaland, halka Banaadir oo marti loo yahay ay gacanta ku heystaan hal guul oo ay gaareen maalintii ugu horyesay waxaana maantay Banaadir ka badan Barbar dhac oo keliya.

Horyaalka Soomaaliya oo ah kooxda Puntland ee hadda difaacanaysa koobka ayaa soo gali doonta iyada oo ah kooxdii hogaaminaysay horyaalkii ugu dambeeyey Soomaaliya isla markaana ay xifiltamaan dhamaan kooxa kale oo dhan oo jecel in ciida afka loo daro Puntland. Sida dhaqanka kubbada cagtu yahay waxaa kulankan laga filayaa saddex natiijo kuwaas oo ah guul, guuldaro ama barbaro laakiin saddexduba saamayn ayay ku yeelan karaan tartanka horyaalka Soomaaliya.

Galmudug sanadkii hore waxey ku hareen wareega group-yada, waxeyna markaan doonayaan iney si habsami leh ku bilowdaan isla markaana ay darajo fiican gaaraan, waxaana hogaaminaya kabtankii hore qaranka Soomaaliya Xasan Cali Rooble “Babaay” Ciyaartoyda u ciyaaraysa Galmudug ayaa dhamaan waxaa laga arruuriyey xulalka naadiya Moqdisho kadhisan, maadaama aysan jirin koox ka baxday deegaanada Galmudug ama ka dhisan sida Gobolada kale ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Ciyaarta ayaa noqonaysa mid xaraarad iyo xamaasad badan, isla markaana soo jiidan doonta taageerayaal badan oo garoonka buuxin doona waloow inta badan Moqdisho taageerayso kooxda Galmudug haddana waxaa garoonka Moqdisho ku qulqulaya Xildhibaanada iyo wasiirrada Federalka ee kasoo jeeda Puntland si ay taageero ugu muujiyaan kooxda Puntland.

Kulankaan waa kulan ay ku xiran tahay rajada Galmudug ee horyaalka Soomaaliya waana kulanka go’aamin kara mustaqbalka Galmudug, haddii uu furan yahay iyo hadii uu koox u dhintay maatadama ay Puntland ciyaarsiineyso inta badan ciyaartooyda nasashada maadaama uusan dhankooda kulanka ka adkeyn.

LINE UP-KA PUNTLAND:

1- Cabdullaahi Jaamac Shire (Geeseey)
2- Cabdishakuur Maxamed (Boqole)
3- Burhaan Cabdile Aadan (Timacde)
4- Cabdiraxmaan Axmed Aadan (Faajuge)
5- Cabdullaahi Cumar (Akram)
6- Jaamac Muuse (Jaamac Dheere)
7- Cabdixakiim Axmed (Guray Kaaro)
8- Cabdullaahi Caydaruus (Mangaala)
9- Siciid Yuusuf Abshir (Siciid Dheere)
10- Maxamuud Axmed Ciise (Suldaan)
11- Cabdisalaam Faarax (Kabtan Dhiidhiiyo)

Binjiga waxaa fadhiya
1-Maxamed Faarax Cali (MO Farah)
2- Cabdikariim Xuseen Odawaa (Rooney)
3- Cabdiwahaab Maxamed
4- Cabdisamad Maxamed Axmed
5- Yacquub Cusman Maxamuud
6- Maxamed Axmed Maxamuud
7-Cismaan Maxamed Maxamuud
8- Faarax Daahir Faarax.

Idaacada xogta shacabka Soomaaliyeed ee Allshacabka mahelin Line Up-ka Galmudug.

Wixii ciyaarahaan kasoo kordha waxaa kala soconeysaan Allshacabka, waxaadna halkaan uga daawaneysaan Live ciyaarta oo xiiso iyo xamaasad leh.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=16931

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]