|

SAWIRRO+MUUQAAL: Jen. Khaliif Ciise Mudan oo ciidan xoogan la tagay Tukaraq.

TUKARAQ, 26 JUNE 2018 (ALLSHACABKA)

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ahna xarunta Boqorka Beesha Daarood ee Boqor Burhaan ayaa jiida dagaalka Tukaraq u dirtay raacii labaad oo ciidamo gaaraya 1500 oo Askari, hub, raashin iyo 25 tikniko ah.

Ciidanka maantay ka ambabaxay magaalada Qarsho ayaa ah wejigii 2aad oo ah ciidamo loogu talagalay in ay ka qaybqaataan difaaca Puntland, ciidamada maanta baxay ayaa ku wajahan aagaga hore ee difaaca Puntland gaar ahaan gobolka Sool.

Qardho waxaa sidoo kale diyaar garaw uga socdaa ciidamo kale oo la ii sheegay in ay iyaguna dhawaan bixi doonaan kuwaas oo ku jira diyaargaraw ugu dambeeyey.

Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo Jeneraal Khaliif Ciise Mudan ayaa hogaaminayey abaabulka iyo isku dubaridka howsha ciidamada ee Qardho maalmahan ka socotay.

Musharax Jen. Khaliif Ciise Mudan oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Qardho ayaa ciidankaan abaabulkiisa kaalin weyn ka qaatay waxaana hugaaminayey isla isaga.

Khaliif ayaa intii Tukaraq at la wareegeen ciidanka Somaliland wuxuu inta badan ku sugnaa Tukaraq, wuxuuna xirtay Tuute isagoo sheegay in ay waajib tahay xoreynta gobolka Sool.

Khaliif Ciise Mudan ayaa ka duwan musharixiinta kale oo inta badan Qurbaha jooga oo sugaya illaa bisha koowaad ee sanadka 2019 oo doorashada Puntland la filayo waloow shaki laga qabo in dib loo dhigo.

MUUQAALKA IYO SAWIRRADA HOOS KA DAAWO:

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=19118

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]