|

DAAWO PUNTLAND: “Walaahi Bilaahi Tolaahi Dagaal Waa Dhacayaa!”

GAROOWE, 19 AGOOSTO (ALLSHACABKA)

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo Wasiirka Arimha Gudaha Puntland Cabdilaahi Timacade oo shir jaraaid ku qabtay Caasimada Puntland ee Garowe waxay ka hadaleen xaalada Gobolka Sool iyo Wadahadalo la sheegay in Puntladn iyo Somaliland ay dhex mareen, Wasiir Qarjab waxa uu been abuur ku tilmaamey in Somaliland Iyo Puntland ay ku heshiiyeen in la kala qaado ciidamada isk

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

u horfadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool halkaas oo dhawr jeer Somaliland iyo Puntland dagaal dhex maray.

“Wallaahi, billaahi, tollaahi dagaal wuxuu dhacayaa, haddii aysan Somaliland bixin” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Timacade, Sidoo kale waxa uu xusay in isimada iyo madaxda Puntland ay u sheegeen Qaramada Midoobay iyo IGAD in hadii Somaliland wadahadal rabto ay tagto deeg OOG oo ah xuduudka Puntland iyo Somaliland.

Halkaan ka daawo shirka jaraaid ee gudiga Difaaca.

 

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=19566

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]