|

Diiwaanka Musharixiinta Puntland: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 2019?

GAROOWE, 26 AGOOSTO (ALLSHACABKA)

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa xafiiska Madaxweynaha Puntland loo doortey sanadkii 2014, weli si rasmi ah uguma dhawaaqin in uu mar kale raadinayo in xafiiska loo doorto, sidoo kale kuma dhawaaqin in uu tartanka ka haraayo, waxaana uu geliyey shaki, inkasta oo saddexdi sano ee u horeysey ee maamulkiisa uu ku cel-celin jirey in shan sano ku filan tahay oo aanu dib isu sharaxeyn, sidaas darteed ayaa waxaa weli saaran calaamad su’aal.

WAA KUMA CABDIWELI MAXAMED CALI?

Si kooban: Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu ku dhashey baadiyaha gobolka Mudug qiyaastii 1958 ilaa 1959, isaga oo yar ayaa aabihiis  Maxamed Cali Gaas geeriyoodey, waxaana soo koriyey adeerkiis Cabdullaahi Cali Gaas oo deganaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud halkaas oo uu ku dhamayestay waxbarashada asaasiga ah.

Sanadkii 1984 ayuu ka qalin jebiyey Jaamacaddii Umadda, dhamaadkii sanadihii siteetamaadkii waxa uu u wareegay dalka Maraykanka, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku siiwatey isaga oo cilmiga dhaqaalaha ka qaatey shahaahada PhD, waxaana uu bare ka noqdey Jaamacadda Niagra University ee gobolka New York.

BILOWGII SIYAASADDA

Sanadkii 2010 ayuu si lama filaan ah uga soo dhex muuqday Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii kumeel-gaarka ahayd ee Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay gobol wada deganaayeen dalka Maraykanka. Fursaddii u wanaagsaneyd waxay soo martey kadib heshiiskii Kampala Accord ee uu isku casiley Raysalwasaare Farmaajo, waxaana Madaxweynihii xilligaas  Sheekh Shariif Axmed Raysalwasaare u magacaabey Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo xilkaas hayey muddo shan iyo toban bilood ah.

Sanadkii 2012 isaga oo ah raysalwasaare ayuu la tartamey Madaxweynihii magacaabey waxaana uu isu sharaxay xilka Madaxweynaha 2012, taas oo uu galay kaalinta saddexaad, kadibna waxa uu ku dhawaaqey in uu ka harey wareega labaad ee doorashada, inkasta oo uu filaayey Musharixii uu taageeray ee Xasan Sheekh in uu xilka raysalwasaaraha ku soo celinaayo maadaama uu xilli yar joogey ayeysan taasi dhicin, waxaana markii uu xilka raysalwasaaraha wareejiyey bishii Oktoobar 2012 uu ka soo degay magaalada Gaalkacyo iyada oo ay Puntland ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed kaas oo salka ku hayey mudada lagu doortey Cabdiraxmaan Faroole ma afar sano ayey ahayd mise shan sano.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu safar todobaadyo qaatey ku marey gobolka Mudug, Nugaal, Bari/Karkaar, kaas oo xukuumaddii markaas joogtey u arkeen olole siyaasadeed kadib markii uu ku soo hungoobey Dowladda federaalka, waxaana magaalada Boosaaso ka qabsatey caqabad laga hor istaagey in u safarkiisa sii wato sida uu sheegay isagu, Gaalkacyo markii uu ku noqdey wuxuu qabtey shir saxaafadeed uu bulshada la wadaagey wixii uu soo arkey.

Sanadkii 2013 ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland. Cabdiweli ayaa ku dooday in uu ahaa qofkii ka saarey Soomaaliya kumeel-garka, maadaama dastuurka ay meel mariyeen dad lagu sheegay cod xanabaarayaal, laakiin nasiib darro dastuurku ilaa hadda waa kumeel-gaar, inkasta oo magicii kumeel-garka laga reebay Dowlada Soomaaliya, sidoo kale Cabdiweli waxa u ahaa dhaqaalyahan sita shahaahada u sareysa ee Cilmiga dhaqaalaha, waxaana u sheegay in aanu Puntland dhaqaale u soo doonan ee doonayo in uu bulshada uga faa’iideeyo aqoontiisa gaarsiiyona shacabka Puntland himiladooda.

DOORASHADII 2013-2014

Doorashadii 2014 waxaa ku tartamey 11 musharax ay ku jiraan Madaxweynihii markaas xilka hayey Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweynaha hadda fadhiya xafiiska Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Cod-bixinta ayaa martey saddex wareeg. Wareegii kowaad waxaa ugu codod badnaa Cabdiraxmaan Faroole oo helay 27 cod, Cabdiweli Cali Gaas oo helay 13 cod iyo Cali Xaaji Warsame oo helay 12 cod. Wareegii labaad waxaa mar kale codadka u badan helay Cabdiraxmaan Faroole oo helay 31 cod Cabdiweli Gaas 18 cod, Cali Xaaji Warsame 16 cod. Waxay noqotey in wareega saddexaad ee cod-bixintaay isugu soo haraan Faroole iyo Gaas.

Wareegii saddexaad ee cod-bixinta Faroole waxaa ugu darsamey hal cod oo keliya waxaana uu helay 32 cod, Cabdiweli Gaas waxaa ugu darsamey 15 cod waxaana uu helay 33 cod, taas oo muujineysa codadkii Cali Xaaji Warsame ee 16 ahaa in 15 kamid ah ay u leexdeen Cabdiweli Cali Gaas, waxaa xusid mudan codka soo harey marka la eego tirada Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee 66 ah, ayaa xumaadey, waxaana codbixiyuhu ku qoray Cabdi-daahir Maxamed Yusuf Yey oo wareegii hore ku harey. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku dooda in codkaas uu isagu lahaa.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu noqdey Madaxweynaha Puntland 8 Janaayo 2014, doorashadii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dad badan aaminsan yihiin in ay ahayd isbeddel loo baahnaa marka la eego sanadkii u danbeeyey ee Cabdiraxmaan Faroole iyo isku daygii nidaamka Xisbiyada ee isagu injineerka ka ahaa loona arkaayey mid uu doonaayo in uu xukunka ku boobo. Cabdiweli Cali Gaas waxaa lagu doortey barnaamij loogu yeeri karo “Puntland kama hirgelin”, “Puntland kama hana qaadin” iyo “Puntland ma mudneyn”, wuxuu wacad ku marey in uu wax ka qabanaayo Amniga, dhismaha ciidanka, hirgelinta dimoqraadiyadda iyo nidaamka xibiyada, wuxuu sheegay in dhaqaalaha Puntland ay ku xiran tahay dekadda Boosaaso oo keliya laakiin uu abuuri doono ilo-dhaqaale oo kale isaga oo kaashanaya aqoontiisa iyo khibradda siyaasadeed ee uu ka soo helay Muqdisho.

Maantey waxaa la joogaa xiligii la qiimeyn lahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xafiiska Madaxweynaha Puntland waxa uu fadhiyey 1696 maalmood, waxaana u harey 130 maalmood. Qiimeynta waxa uu ka fuliyey ama ku guuldaraystey ballanq-aadkiisi waa mid lagu kala aragti duwanaankaro, waxaase la isku raacsan yahay in uu wax qabtey oo horey Puntland u dhaqaajiyey, in uu wax haleeyey oo uu uga sii daray sidii ay ahaayeen, iyo in uu qaar kamid ah ballanqaadkiisi kasoo bixi waayey oo ku fashilmey.

DAAWO SABABTII DR CABDIWELI ISU SHARAXAY 2013

DHAQAALAHA

Sababta ugu waaweyn ee lagu doortey Cabdiweli Cali Gaas ma ahayn in uu yahay nin amniga wax ka yaqaan oo soo celin kara gobolo maqan, la dagaalami kara cadowga dadka ku dhex jira, sulux dhex dhigi kara beelaha colaaduhu dhex maraan ama uu yahay qof leh khibrad difaac oo Puntland shafka ugu tumi kara, waxa ugu weyn ee la filaayey ayaa ahayd in uu yahay dhaqaal-yahan wax ka qaban kara bur-burka dhaqaale ee dalku sii galayo, ganacsiga xumaadey, sicir bararka, shaqo la’aanta, la dagaalanka musuqa, sidoo kale in uu la imaan karo hal-abuur kale oo aan ahayn in dhaqaalaha Puntland ku xirnaato canshuurta dekadda Bosaaaso iyo gar-gaarka beesha caalamku siiso.

Dhaawo khudbadii qiimaha lahayd ee lagu doortey Dr. Cabdiweli Gaas 2014.

Ma jirto cilmi-baaris rasmi ah oo maanta laga sameeyey dhaqaalaha Puntland, taas oo loo bar-bardhigi karo diraasad kale oo la sameeyey shan sano ka hor, marka laga yimaado diraasado ay sameysteen hay’adaha dalalka taageera Soomaaliya taas oo ku dhisan qiyaas, laakiin waxaa jira nidaam dadku wax ku qiimeeyo oo ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, wax dhoofinta, wax soo dejinta iyo wareega lacagta. In badan oo kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland waxay kuu sheegayaan in dhaqaalaha Puntland uu marayo heerkii ugu xumaa abid, sababaha ugu waaweyn ayaa ah siyaasad dhaqaale oo Puntland leedahay oo aan jirin, wax dhoofinta iyo wax soo dejinta oo aan isugu dhigmin, iyo xanibaadaa saaran Xoolaha Soomaaliya, ma jirto horumar lagu sameeyey kheyraadka Puntland dibadda u dhoofin karto sida Maydiga, Beeyada, Malmalka, Kalluunka iyo kheyraadka kale ee badda.

Ganacsatadu waxay dhoofiyaan lacag adag oo ay mariyaan xawilaadaha waxaana ay ku soo bedeshaan badeecad aan diyaarado lagu keenin, caymisna ku jirin, sicirku maaha mid fadhiya, taas waxaa u dheer Soomaaliya oo qaybo badan amni xumo ka jirtey oo hadda dib u kala degay. Prof. Cabdiweli Cali Gaas marna ma qaban shir dhaqaalaha ku saabsan sidii loo hormarin lahaa, marka laga yimaado shirarkii canshuurta ee uu ganacsatada indhaha galka ugala soo baxay, qaarkoodna ku tilmaamey in ay taageeraan al-Shabaab.

Saameynta Lacagta faalsada: Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah aqoonyahan dhaqaale ayaa sanadkii 2015 Puntland keenay makiinad samaysa lacagta Soomaaliga ee kunka shilin, taas oo la dhigay Baanka Dhexe ee Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana iska kaashadey Puntland iyo ganacsato ku xiran Madaxweynaha. Ma ahayn mid laga filaayey khabiir bartey cilmiga dhaqaalaha in uu lacag faalso ah daabacayo, taas oo dab ku sii shidey sicir bararkii ka jirey suuqyada Puntland iyada oo $100 gaarey heer aanu abidkiis gaarin ,maantey oo maqaalkan la qoraayo waxaa suuqyada Garoowe $1 gaarey 34 000Sh.So, halka uu ka ahaa 2014 $1=22 000 Sh.So.

Mushaharaadka Shaqaalaha Dowaldda:Bixinta Mushaharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha ayaa ah mid aan wanaagsaneyn, waxaana Wasaaradaha Puntland oo dhan ka yeeraya qiiq iyo qaylo qaarkood waxay sheegayaan in aysan wax mushahar ah arag muddo 16 bilood ah, ma ahan mid laga filaayey Dr Cabdiweli Cali Gaas, in uu ku fashilmaayo unugii asaasiga u ahaa dowladnimada.

Taageerda caalamka: Deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo dalalka isku sheega deeqsiyaasha waxay Puntland u arkayeen goob xasiloon oo ay ka hirgeli karto hormarin, halka ay Koonfurta u arkayeen meel u baahan gar-gaar maadaama dad badan ay weli ku jiraan xeryaha barakacayaasha amniguna uu yahay mid aan sugneyn. Dr Cabdiweli Cali Gaas, fursadaas kama faa’ideysan si lamid ah Somaliland, waxaana ka hor istaagey musuq-maasuqa iyo maamul xumida ka jirta Puntland oo uu waxba ka qaban waayey.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas lama imaan nidaam dhaqaale oo dalka lagu hormarinaayo sida uu ku ballan qaadey barnaamijkiisi, sidoo kale ma keenin ilo dhaqaale oo ka duwan kuwii hore sida ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee ceegaaga dhulka hoostiisa, Kheyraadka Badda halkii laga faa’ideysan lahaa Puntland waxay noqotey sanadkii ugu badnaa abid ee la bixiyo shatiyo kaluumeysi kuwo soo marey wasaaradda Kaluumeysiga iyo kuwo badan oo aan soo marin iyada oo dhaqaalaha ka soo xerooda bixinta oggolaanshaha kaluumeysiga aysan ku dhicin khasnada Dowladda.

CADDAALADDA & LA-DAGAALANKA MUSUQA

Qodobka labaad ee Prof. Cabdiweli Cali Gaas laga filaayey ayaa ahayd in uu wax ka qabto caddaalad darrada ka jirta Puntland, gaar ahaan goobaha caddaalada loo doonto, sidoo kale waxaa looga fadhiyey in uu la dagaalamo musuq-maasuqa, eexda iyo qaraabo-kiilka oo maamulkii ka horeeyey aad loogu dhaliili jirey in waxkasta uu Garoowe ku suu ururiyey, curyaamiyey magaalada fanacsiga ee Boosaaso, taladana ay Madaxweynaha la wadaageen caruurtiisu.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa dad badan aaminsan yihiin in aanu waxba ka qaban arrimahaas, laakiin uu talaaley dhir ka waaweyn kuwii ka horeeyey, waxaana maamul xumada, eexda, il-garashada, iyo qaraabo-kiilku gaarey heerkii ugu xumaa, in badan oo kamid ah Wasaaradaha Puntland waxaa xafiisyo labaad looga furey isla Madaxtooyada iyada oo agaasime looga dhigey dhalinyaro Cabdiweli Gaas si uun ugu xiran, gaar ahaan barnaamijada hormarinta, waxbarashada, caafimaadka iyo weliba qandaraasyada, arrintaas oo keentey in shacabka Puntland ay qaylo ka muujiyaan qurbe-joogta oo la dhihi karo waxaa magacii ka diley Cabdiweli Cali Gaas.

Puntland waxay u baahan tahay qurbe-joogteeda aqoonta iyo waayo aragimada leh in ay ka qayb-qaataan hormarinteeda, waxaa la yiraahdaa dalka Kuuriyada Koonfureed waxaa dhisey qurbe-joogtii ka qaxdey xilligii dagaaladii labada Kuuriya ee dib ugu noqdey dalkaas. Qaar kamid ah magaalooyinka Puntland waxay ku taagan yihiin dhaqaalaha qurbe-joogtu dirto, waxaana magaalooyinka qaarkeed lagu tilmaamaa 65% in ay ku taagan yihiin dhaqaalaha loo soo mariyo lacagaha xawilaadaha, sidaas darteed ayaa la dhihi karaa dhalinyarada jeebabka u soo toshey in ay hor istaagaan mashaariicda hormarineed ee ku yimid magaca Dr.Cabdiweli Cali Gaas waxay sharaf dhac ku rideen qurbe-joogtii dalkooda wax u qaban lahaa, waxaana bulshada dalka ku dhaqan ay ku direen magaca qurbe-joog, sidoo kale waxay Puntland ka hor istaageen in caalamku ula dhaqmo meel hormarin u baahan ee aan gar-gaar u baahneyn, kadib markii ay ku ciyaareen barnaamijyo waxtar leh sida SCOT iyo kii GIZ.

AMNIGA IYO DHISMAHA CIIDANKA

Qodobka Amniga ma ahan mid aan ku dheeraaneyno, Khamiis kasta Golaha Xukuumadda Puntland waxay sheegaan in amnigu sugan yahay!, war-saxaafadeedka ka soo baxa golaha Wasiirada Khamiis kasta uma baahna qodobka amniga in wax laga beddelo, waa sida “template” waxaa xusuus mudan iyada oo ciidamo ku dhaw 40 askeri Puntland looga diley Af-urur in warkii Golaha Wasiirada ka soo baxay uu ahaa Amnigu waa sugan yahay, qodobkan waxaa qiimeyntiisa looga tegayaa qofkasta oo reer Puntland ah.

Qodobka labaad ee dhismaha ciidanka, Madaxweynaha Puntland waxa uu ka sheegay magaalada Bruseleess in Puntland ay difaacayaan ciidamadii beelaha, wuxuu sheegay in ninka geeljiraha ah uu keenay naftiisi qorigiisi iyo rasaastiisa, intaas kuma ekaan ayuu yiri ee waxa uu soo kaxaystey arigiisi iyo geeliisi, waxaana uu Madaxweynhu raaciyey in dadkaasi yihiin kuwa ugu nafciga yar dheefta Puntland.

Miisaaniyadda Puntland ee 2017 ciidamada Puntland u diiwaan gashan waxaa loo kala qaadey Ciidanka Madaxtooyada, Ciidanka Kumaadooska,Taliska Daraawiishta, Ciidanka PSS, Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta isku dar waxaa sanadkii loo qoondeeyey lacag ka badan $24milyan oo dollar, haddaba waxaa is weydiin mudan ciidamada sanadkii ay ku baxayso lacag ka badan $24 milyan oo dollar sababta loogu baahdey ninka geeljiraha ah ee “miskiinka” ah?

Waxaa iyaguna jira ciidamada PSF iyo ku Badda oo ay Puntland ka caawiyaan dowladaha Maraykanka iyo Imaaraatiga, walow kuwaasi ay hawlahooda ku kooban yihiin la dagaalanka Burcad badeeda iyo Argagagxisada. Waxaana labadaasi ciidan dusha sare ka maamula saraakiil ka socota dalalkaasi.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa markii uu xilka qabtay sheegay inuu wax badan ka bedali doono Ciidamada Puntland, diiwaangelin rasmi ah sameyn doono, la dagaalami doono musuq maasuqa ka dhex jira hogaanka ciidaanka iyo lacagaha beenta ah ee lagu qaato askar aan shaqeyn, hase yeeshee mashruucaasi ayaa kusoo dhamaaday FASHIL, walow xukuumada aysan weli shacabka u sheegin wixii fashiliyey qorshahaasi lagu horumarinayey hanaanka iyo nidaamka ciidanka Puntland.

Arrintan ayaa sabab u noqotay in Dr.Gaas u ku guuleysan waayo balanqaadkiisii doorashada ee ahayd dib usoo celinta deegaanada ka maqan Puntland sida in badan oo kamid ah gobalka Sool oo uu sheegay inaan [Faataxo] lagu qaadan, balse xukuumadan ayaa sii dhumisay dhul horleh kadib markii Somaliland weerar ku qabsatay Tukaraq bishii Janaayo ee sanadkan.

NIDAAMKA DIMUQARAADIYADA & XISBIYADA

Qodobada ugu muhiimsan oo ay in badan oo kamid ah shacabka Puntland ku taageereen doorashadii Madaxweyne Cabdiweli waxaa kamid ahaa inuu dalka ka hirgeliyo nidaamka Xisbiyada Baddan oo ay ku fashilmeen inay hirgeliyaan xukuumadihii ku horeeyey.

Cabdiweli ayaa loo arkay aqoonyahan wax kasoo bartay dalalka horumaray isla markaana uu ka dhabeyn karo in si cadaalad ah loo hirgeliyo nidaamka xisbiyada oo looga gudbo kan Baarlamaanka Puntland lagu soo xulo ee ah nidaamka Qabiilka kaasi oo kusii saleysan gobalada iyo deegaanada ay Puntland ka kooban tahay.

GAAS ayaa sanadihii hore ee markii uu xilka qabtay marar badan ka dhawaajiyey in waxa xukuumadiisa lagu miisaami doono ay tahay sida uu u hirgeliyo Nidaamka Xisbiyada iyo Dimquraadiyada, isagoona intaasi sii raaciyey in uusan dib danbe isu soo sharaxi doonin xafiiska ugu sareeya ee Puntland, waa hadii uu ku fashilo mashruucan.

Hadaba Xukuumada Gaas ayaa gebi ahaan ku fashilantay hirgelinta Dimuquraadiyeynta nidaamka Puntland, waxaana lagu fashilay diiwaangelinta shacabka, afti u qaadida dastuurka iyo qabashada doorashadii Golayaasha deegaaanka oo ahayd inay dhacdo dhamaadkii 2015-kii.

Illaa iyo hada macadda mana muuqato in Madaxweyne Gaas uu ka dhabeyn doono balanqaadkiisii ahaa inuusan dib danbe isu soo sharixi doonin xilka maadaama uu masharuucaasi ku fashilay, balse saan saanta muuqata ayaa ah in Madaxweyne Gaas xiligan si weyn u daneenayo inuu markale xilka u tartamo.

La soco qaybta labaad ee u danbeysa diiwaanka Dr Cabdiweli Cali Gaas maalinta Salaasada 28.08.2018

Xigasho Horseed Media Team

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=19603

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]