|

Qaybtii Labaad: Diiwaanka Musharixiinta Puntland: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 2019? -VIDEO

GAROOWE, 28 AGOOSTO (ALLSHACABKA)

Qaybtii hore ee maqaalka Dr Cabdiweli Cali Gaas iyo damaciisa in mar kale dib loo doorto, waxaan ku soo qaadaney, qofka uu yahay oo si kooban looga hadley, sida uu ku soo galey siyaasadda, doorashaddii 2014 ee loo doortey xafiiska Madaxweynaha Puntland, iyo ballan qaadyadii u weynaa ee uu ku fashilmey.

MAXAA U HIRGALAY XUKUUMADA GAAS?

Qaybtan waxaan ku eegaynaa waxyaabaha u qabsoomey Xukuumadda Dr. Cabdiweli iyo Doorashada 2019.

Sida aan horey u sheegney Dr Cabdiweli Cali Gaas Puntland horey ayuu u dhaqaajiyey, waxyaabo badan ayuu qabtey, si taas la mid ah waxyaabo badan oo hagaagsanaa ayuu uga darey oo taagan halkii hore meel ka xun, qaar kalena waa ka gaabiyey ama waa ku fashilmey.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas Madaxweynaha Puntland waxa lagu doortey is-beddel siyaasadeed, laguma dooran in uu ahaa Musharaxa lacagta ugu badan ku bixiyey iibsiga codadka Xildhibaanada, waxaana hubaal ah Musharixiin lacag ka badan bixiyey in ay ku guuldaraysteen doorashada.

(halkan ka eeg qaybtii hore ee maqaalkan)

ISKU-TASHI

Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka la wareegay iyada oo Puntland ay ka da’een roobab mihiigaan ah kuwaas oo jarey wadada u dhexaysa Tuulada Sin-u-jiif iyo magaalada Garoowe,  Madaxweynhu waxa uu ku dhawaaqey barnaamijkii PUNTLAND HA ISKU TASHATO, kaas oo si deg-deg ah loogu dhisey buundada qiimaha badan ee Middigar oo ahayd halkii waddadu ka go’ay iyada oo aan beesha caalamku waxba ku darsan. In bulshada la tuso awoodooda, dhaqaalahooda iyo in ay iskood wax u qabsan karaan waa arrin aad u wanaagsan, taasina waxay si dhab ah u hirgeli kartaa markii bulshadu ku kalsoonaato maamulkooda oo uu yahay mid ka hufan musuq-maasuq, eex iyo qaraabo-kiil.

Wadada Ceel Daahir-Ceerigaabo:Barnaamijka labaad ee isku-tashiga bulshada ayaa ah wadada dheer ee isku xiri doonta laamiga dheer ee Boosaaso ku dhamaada iyo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, sida muuqata Puntland waxay dooneysaa in wejiga hore ee wadadan uu ku dhamaado ilaa degmada Badhan, waxaana mashruucan marayaa meel wanaagsan. Hindisaha Mashruucan ayaa leh taariikh fog oo ka soo bilaamata 12 sano ka hor sida Horseed Media ogaatey. Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas waxay canshuur dheeraad ah u saartey wadadan darteed taas oo lagu qaado meelo badan.

Mashaariicda JPLG: Mashaariicda JPLG (Joint Programme on Local Governance) ee ay taageerto UNDP ayaa magaalooyin badan oo Puntland ah si wanaagsan uga hana qaadey, taas oo lagu heley waddooyin yar-yar oo magaalooyinka dhex mara.

Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso:Mashruucan waxa uu ahaa mid ka horeeyey xukuumadda Dr Cabdiweli Gaas oo ka soo bilowdey sanadkii 2011, xiligii uu Soomaaliya raysalwasaaraha ka ahaa. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa u diyaarsanaa qaybta Terminaalka oo la dhisey xiligii Gen. Cadde Muuse Xirsi (AUN), waxaa si weyn loogu amaana Xukuumadda Dr Cabdiweli Gaas in mashruucaas ay dedejisey isla markaana ka ilaalisey in dib u dhac ku yimaado. Inkasta oo ay jiraan caqabado u ekyeysiiyey garoonka sida Masaajid laga dhisey eeri-go’an, maadaama Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas aysan xil iska saarin sidii garoonka loogu raadin lahaa suuq, loogu soo xiri lahaa diyaarado heer caalami ah si lamid ah garoomada Hargeysa iyo Muqdisho. Taas waxa dheer in  qandaraasyada Garoonka laga wada dhigey kuwo la siiyey shirkado gaar loo lee yahay, kuwaas oo aan lahayn tayadii iyo tabartii ay ku buuxin lahaayeen adeega garoonka. Sanadkan 2018 waxa uu kamid ahaa mid kamid ah kuwa ugu adag ee soo mara dadka Puntland ee dibadaha ka soo dhoofaya ama u dhoofaya.

Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Abshir:Caasimadda Puntland ayaa loo dhisay garoon wanaagsan,  oo isugu jira dhabbihii diyaaradaha iyo weliba Terminal cusub, mashruucan ayaa sidoo kale ka horeeyey Xukuumadda Dr. Cabdiweli waxaana inta badan dhaqaalaha ku baxay ku deeqdey Dowladda dalka Kuweyt, in mashruucu ka horeeyey xukuumadda ma ahan ceeb ee waxaa wanaag ah in ay fulisey.

Inkasta oo uu yahay tusaale fog ayaan dhihi karnaa dalalka derisku (Kenya, Itoobiya) waxay leeyihiin hal garoon oo caalami ah oo loo dhamaystirey dhamaan baahida garoon qabi karo, iyo garoomo yaryar oo magaalooyinnku leeyihiin kuwaas oo ay ka degaan diyaaradaha yaryar iyo kuwa gaarka ah, laakiin qorshaha Cabdiweli ayaa ahaa mid aan jiho lahayn, waxaana uu ku dhawaaqey wax la yiraahdo sanadkasta iyo garoon cusub, iyada oo garoomadii hore dhinackasta ka baaba’san yihiin, garoonku waxa uu garoon ku noqdaa waa adeega iyo maalgelinta uu helo.

Hormarinta Biyaha: Madaxweynaha Puntland waxa uu 24.01.2014 ballan qaadey in bulshada Puntlad ay heli doonaan biyo macaan oo sifeysan. Inkasta oo biyo la’aantu ay tahay aafo weli ka jirta Puntland ayaa Xukuumadda Gaas sheegtaa in ceelashii biyaha ee ugu badnaa abid ay Puntland ka qodeen, ceelashaas biyaha oo badankood ku yimid deeq ay bixyeen dalalka islaamku, ma jirto tirakoob rasmi ah oo Horseed hayso inta ceel ee Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas qodey ama ay keligeed fulisey ee lagu guulesytey.

Dhismayaasha Xarumaha Wasaaradaha:Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto Xukuumadda Gaas ayaa ah dhismayaasha qaybo kamid ah Wasaaradaha Puntland ee loo wada raray banaanka caasimadda, kuwaas oo qaarkood lagu dhisey isku-tashigii Madaxweynhu ku dhwaaqey sida Wasaaradda Maaliyadda.

Mashruuca ballaarinta Dekadda: Dekadda Bosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee keliya ee Puntland ku taagan tahay ayaa laga dhaxley Dowladdii u Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AUN), ma helin dayactir, waxaana ay gaartey heer maraakiibtu ku soo xiran weydo, malahan qaybta adeega, qaybta keydka iyo wiishashka dekadda lagu xiro ee dejiya alaabta. Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in uu wax ka qabanaayo, waxaana ay ahayd waxyaabaha sida weyn loogu han-weynaa in Madaxweynhu wax ka qabto, laakiin waxa uu galay heshiis ilaa hadda la is weydiinayo cidda ku guuleysatey iyo cidda ku khasaartey.

Shirkadda P&Ports/DPWORLD ayaa kireysatey dekadda muddo 30 sano ah, taas oo ay ku beddalatey in ay ballaarineyso dekadda 400mitir, oo  ka dhigayso dekad casri ah oo agabkii u dhan yahay, ilaa hadda ma dhicin, faa’iidada ugu weyn ee laga helay ayaa ah. $15 milyan oo dollar oo ku dhacdey gacanta Madaxweynaha oo ay shirkaddu hormarin u bixisey, waxaana uu dib u celiyey $3 milyan oo uu dib ugu deeqay garoonka Garoowe iyo wadada Ceel Daahir-Ceerigaabo, $2 milyan oo dollar oo loo qaybiyey Xildhibaanada Golaha Wakiilada kadib markii ay xukuumadda  rideen, lacagtaas oo loo siiyey in ay meel-mariyaan heshiiska iyo in ay dib u ansixiyaan Xukuumadda ay rideen, $10 milyan ee soo harey ma jirto meel lagu sheego, kuma jirin xisaab xirkii xukuumaddu u gudbisey baarlamaanka, waxaana la dhihi karaa cidkasta oo xukunka kala wareegta Cabdiweli Gaas dhibaatada ugu weyn ee ay wajahayaan waxaa kamid ah heshiiska DPWORLD, iyo xuquuqda shaqaalaha.

DULQAADKA IYO HAYINIMADA

Waxyaabaha sida weyn loogu amaano Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah in uu yahay shakhsi dulqaad badan, (civil person) la dhaliili karo, aan isticmaalin hadalo qalafsan xitaa qofka ay is-hayaan, taas oo uu ku helay in ay aad u yaraato codka mucaaradka ku ah, waxaa aad u yaraa dadka arrimaha siyaasadda loo xiro, ama loogu caga jugleeyo, cabburinta iyo xorriyad ka qaadida  ayaa ahayd mid aad u yar, lama dhihi karo ma jirin, laakiin waxaa la dhihi karaa waa uu kaga duwanaa maamuladii ka horeeyey.

PUNTLAND 2019

Haddaba xiligii loo dhaariyey xafiiska Mudane Cabdiweli Cali Gaas dhamaad ayuu taagan yahay, waxaana albaabka garfaacaysa  doorashadii afaraad ee Puntland ka dhacda.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu qabto dooroasho xalaal ah oo aan la faro-gelin soo xulitaanka Xildhibaanada, sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadku uu noqdo mid dhex-dhexaad ah, maadaama uu si weyn u xasuusto in uu ka horyimid guddigii Cabdiraxmaan Faroole dhisey oo weliba uu dhisey guddi kale isaga iyo Musharixiintii xiligaas.

Mudane Cabdiweli Gaas oo muddo ku cel-celin jirey inaanu musharax  ahayn ama dooneyn in uu dib u tartamo, ayaa haatan la aaminsan yahay in uu mawqifkaas beddalay, waraysiyo danbe uu bixiyey ayuu sheegay in aanu weli go’aan gaarin waxaana lagu sababeyn karaa labo arrimood.

  1. In uu doonayo in uu noqdo musharax aan xoog gelin ololihiisa doorashada laakiin danta uu lee yahay ay tahay in  doorashadu aysan gacantiisa ka bixin, ee ay noqoto mid uu maamulkeeda iyo qabashadeedaba awood ku lee yahay.
  2. In uu doonayo in uu dhigo taariikh cusub oo isku hubo tartanka in uu guul weyn ka keeni karo, noqon karo Madaxweynihii u horeeyey ee tartama oo mar kale dib loo doorto, taas oo ah taariikh cusub.

Waxaa iyaduna furan in uu dhigi karo tariikh kale oo cusub oo ah in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee isaga oo xafiiska fadhiya, xaqna u leh in u tartamo isaga haray tartanka.  Kubaddu isaga ayey la taalaa dhankuu doono ha u laado.

Afeef: Waxaa dhici karta in kooxda qoroyaasha ee Horseed iyo qaar kamid ah akhristayaashu ay ku kala duwanaan karaan, waxa hubaal ah in qoraalkan  uu yahay mid aan wada koobin dhamaan fashilkii xukuumadda Cabdiweli Gaas sidoo kale in aanu koobin dhamaan guushii Xukumadda Dr Gaas.

Qofkasta oo u arka in qoraalku aanu si fiican uga hadlin fashilka ballan-qaadyadii Dr. Cabdiweli Cali Gaas kadib maalintii la caleema saarey waxaan kula talineynaa in uu daawado Cajilada/Muuqaalka/Fiidiyowga  hoose ee Madaxweynhu Englishka ugu khudbeeyey reer Puntland maalintii caleema saarkiisa, ilaa dhamaadka daawo si aad u ogaato fashilka dhabta ah ee ballan-qaadyadii Dr Cabdiweli Cali Gaas.

Qofkasta oo aaminsan in qoraalkan aanu si wanaagsan uga hadlin guushii iyo himiladii Madaxweynhu soo taabtey waxaan kula talineynaa in uu akhristo Buuga magiciisa la yiraahdo

NASRI WADAHA NALKA U SIRAADEY NARUURADII UMADDA SOOMAALIYEED DR. CABDIWELI CALI GAAS.

Diiwaanka Musharixiinta Puntland: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 2019?

Xigasho: Horseedmedia

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=19620

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]