|

DAAWO: Xildhibaan Raxma oo daawooyin casriya ugu deeqday Isbitaalka Galkacyo

GAALKACYO, 18 OCTOBER (ALLSHACABKA)

Musharax Raxma Xabiib Jaamac ahna Xildhibaan Puntland, oo kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Xildhibaanimo ee Puntland marlabaad ayaa ugu deeqayday daawooyin casri ah oo tayadoodu sareyso Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Musharax ahna Xildhibaan Raxma Xabiib ayaa sheegtay in ay waajib tahay in bulshada Puntland laga taageero dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan wax walba oo aasaasi u ah bulshada hormarkeeda.

Xildhibaan Raxma Xabiib Jaamac ayaa kormeer ku sameysay Isbitaalka qaybihiisa kala duwan iyadoo siweyn usoo indha indheysay baahiyada guud ee Isbitaalka kajira.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Maxamed Xusseen Aadan oo ka hadlay xaflada daawada lagu wareejinayey ayaa ka mahadceliyey taageerada ay siiso bulshada Xildhibaan Raxma, isagoo ku ammaanay Musharax Xildhibaan Raxma deeqda ay soo gaarsiisay isbitaalka degmada Gaalkacyo oo aad loigu baahnaa.

Waa markii ugu horeysay oo deeq noocaan oo kale ah lasoo gaarsiiyo isbitaalka Gaalkacyo, daawadaas oo ah mid casriya oo aan inta badan laga helin Afrika.

Munaasabada ka dhacday Isbitaalka Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, Culumada, Isimo, waxgarad, ganacsato, dhallinyarro iyo siyaasiyiin kuwaas oo siweyn ugu amaanay Xildhibaan Raxma Xabiib Jaamac sida weyn ay wax uga qabato gobolka Mudug.

Haweenka qaybahadooda kala duwan ee Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ayaa siweyn u taageeraya Xildhibaan Raxma Xabiib Jaamac in ay mar labaad kusoo noqoto kursiga maadaama ay tahay Xildhibaanka keliya ee Dumar ah ee gobolka usharaxan, uguna wax qabadka badan.

DAAWO KUUQAALKA XILDHIBAAN RAXMA DAAWADA AY UGU DEEQDAY ISBITAALKA:

HOOS KA DAAWO HAWEENKA MUDUG OO ISKU RAACAY IN XILDHIBAANKOODU YAHAY RAXMO OO XUQUUQDOODA U DOODAYA

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20016

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]