|

Toos u daawo: Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha

MOQDISHO, 18 OCTOBER (ALLSHACABKA)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya Shirka Golaha Wasiirada, kaasoo xilligan ka socda Xarunta Madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed, xubnaha Golaha Wasiirada iyo Guddiyada kala duwan.

Waxaa shirka si toos looga daaweynayaa Telefishinka Qaranka iyo qaar ka mid ah baraha bulshada dowladda, waana shirkii u horeeyay noociisa ee si toos ah loo daawanayo.

Wasiirada iyo xubnaha kala duwan ayaa warbixin looga dhageysanayaa, iyadoo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowladda iyo wixii xukuumadda u qabsoomay.

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20006

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]