|

DEG DEG: (AKHRISO) Puntland oo noqotay Galmudug iyo Camey oo magacaabay gudi kale

GAROOWE, 03 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cumar  Camey oo ay dabada ka riixayaan musharixiin ayaa goordhawayd shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ee caasumada dawladda Puntland.

Camey ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa ku weheliyey qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan dorashada Puntland ee 2019.

Waxa uu ku dhawaaqay Guddi kale oo khilaafaadka doorashada Puntland ah, isagoo sheegay in  gudigan uu kala tashaday Musharaxinta doorashada Puntland ee 2019.

Gudigaan ayaa sidookale ka kooban ilaa iyo sideed xubnood .

Waa markii ugu horeysay taariikhda dawladda Puntland oo ay ka dhacday sidaan oo kale iyadoo nidaamkii dawladnimo meesha ka baxay oo Puntland isku badashay fawdo.

Laba maalin kahor waxaa beelo kamid ah Puntland dhaceen Tikniko badan oo dagaal, waxaana xafiisyada Puntland ka dhacay bililiqo aad u weyn

AKHRISO WARAAQDA MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

 

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20588

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]