|

MUUQAAL+SAWIRRO: Murashax Cali oo booqday Isbitaalka, Eeneeye iyo Beeldaajaha

BOOSAASO, 05 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa kormeeray Cisbitaalka guud ee magaalada Boossaaso, Shirkada Korontada Eeneeye, Rugta ganacsiga iyo goobo kale oo badan oo uu kamid yahay guriga Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

Kormeerkii Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame uu kusoo kala bixiyey qaybo badan oo kamida Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kormeerkiisaasi ku wehliyey Culimo, Ganacsato, Aqoonyahano, Waxgarad, Haween, Dhallinyarro, masuuliyiin iyo saraakil katirsan Puntland oo dawladihii hore ee Puntland lasoo shaqeeyey.

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa kormeerkiisi indhadhaynta ahaa waxaa uu ka bilaabay cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, halkaasoo uu dhammaan soo maray qeybaha uu cisbtaalku ka koobanyahay, isla mar’ahaantaana uu si wadajira u lahadlay maamulka iyo shaqaalaha isagoona Murashaxu ku booriyey in ay laba jibaaran adeega wanaagsan ee ay bulshada reer Puntland u hayaan.

Intaas kadib ayaa Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame iyo masuuliyiintii la socotay waxaa ay socod dheer kusoo mareen laamiga weyn ee magaalada Boosaaso ee u dhaxeeya Shirkada Korontada Eeneeye iyo Cisbitaalka guud, iyagoona gacan qaadayey dhamaan shacabkii laamiga u dhoobnaa oo muujinayey dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame.

Dhinaca kale Murashax Dr. Cali ayaa kormeerkiisii maanta uu soo maray qaybo badan oo ka mid ah magaalada sida Hoteelada iyogoobaha yaryar ee ganacsiga magaalada Boosaaso.

Hadal kooban oo uu murashuxu u jeediyey masuuliyiinta gacanta ku haysa maamulka Cisbitaalka Boosaaso iyo ganacsatada Boosaaso ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:- ‘’Idinku yiraahda go’aan malihin ama waan leenahay waxaan idiin sheegayaa in aad Puntland iyo Soomaaliya xukuntaan anigu idinkaan idin kamid ahay oo ganacsade baan ahay waadna igaranaysaan oo baahiyaha dalka kajira sidhaw ayaan ula socdaa maadaama aan ganacsiga Puntland kuwa ugu waaweyn soo maamulay‘’.

Murashaxa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sii wadidoona kormeerka iyo inda indhaynta uu ku kala bixinayo xarumaha kala duwan ee bulshada ee ku yaala guud ahaan Gobalka Bari, gaar ahaana magaalada Boosaaso iyadoo la filayo in uu booqdo Dekedda magaalada Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA BOOQASHADA MURASHAX CALI XAAJI EE KORMEERKA BOOSAASO

SAWIRRO MURASHAX CALI OO BOSAASO DHEX LUGAYNA

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20608

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]