|

MUUQAAL+SAWIRRO+WARBIXIN: Sidee Cali Xaaji loogu soodhaweeyey Badhan?

BADHAN, 06 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame oo maalmihii ugu dambaysay socdaal ku marayay deeganada Puntland ayaa maanta socdaal ku gaaray magalada Badhan ee xarunta gobalka Sanaag, dadweyne waxgarad, cuqaal iyo isimo leh ayaa si weyn u soo dhaweyeey wafdiga murashaxa dadkaaso aad ugu faraxsanaa in murashaxu soo gaaro gobalka Sanaag oo in mudaa laga sugayey.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa socod dheer ku dhex maray magaalada ilaa in lagu qiyaasay 3- kiilo Mitter isagoo ay garab socdaan boqolaal dadweyne ah oo ubaxyo gacanta ku sita, dadweynaha reer Badhan ay safnaa gudaha magalada ilaa 20KM banaanka magaalada kuwaaso goobta ku sugayay ilaa waberigii saakay Murashaxa Madaxweyne ee Puntland oo gelin hore kasoo bixitimay degmada Ufeyn ee gobolka Bari.

Tuulooyin badan oo ka sokeeya magaalada Badhan ayna ka mid tahay Midigale ayaa Murashuxu wuxuu kula hadlay boqolal dadweyne iyo ardayda dugsiyada kuwaaso u sheegay in Murashaxa ay ugu baaqayaan in uu ka dhabeeyo isbedelka uu ku baaqay ayna taagersanyihiin in Dr. Cali Xaaji Warsame ku guulaysto Madaxtinimada Puntland, si dalka uu uga saaro habacsananta iyo dib u dhaca ka muuqday sannadihii ugu dambeeyey.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire oo kamid ah Isimada ugu waaweyn Puntland oo ka hadlay fagaare loo diyariyay in Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame kula hadlo dadweynaha reer Badhan ayaa waxa uu suldanku sheegay in Murashaxa ay ku soo dhoweynayaan magaalada Badhan isagoo sheegay in dadka reer Badhn ay aad uga dheragsanyihiin taariikhda iyo magaca sare ee Murashuxu leeyahay isagoo intuu Wasiirka waxbarashada Puntland ahaa wax badan ka qabtay baahiyaha waxbarashada gobolka Sanaag.

Isimo badan oo soo dhaweysay Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa iyaga ka hadlay fagaaraha waxayna sheegeen in ay soo dhoweynayaan ayna ku faraxsanyihiin socdaalka uu Badhan ku soo gaaray Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame.

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame oo la hadlay kumanaan dadweyne oo reer Sanaag iyo Badhan ah ayaa uga mahadceliyay soo dhoweyntii diiranayd ee ay ku soo dhoweyeen isaga iyo wafdigiisa iyagoo uga hortagay Fagaaro aad uga baxsan magaalada, “Puntland waxay u baahantahay isbedel, isbedel wax ka bedela nolasha dadka Puntland, waxay u bahantahay isbedel amni, waxay u bahantahay isbedel siyasadeed, waxay u baahantahay isbedel dhaqaale” ayuu ku yiri Murashax Cali dadweynihii soo dhoweyey isagoona hadalka raaciyay.

“Badhan maahan markii ugu horeysay aan imaado waa magaaladaydii waxaana balan qaadayaa in isbedel run ah maantay laga bilaabo uu ka bilowdo”

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jecla oo maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen uuna ka shaqeynayo midnimadiii walaalaha Puntland.

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa reer Badhan u sheegay in Puntland ay u bahantahay cadaalad balaaran oo gaarta qof walba oo Reer Puntland ah uuna hawsha ugu horeeyo uu qaban doono ay tahay siday dadka reer Puntland u heli lahaayeen Cadaalad.

Murashax Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa booqday isla maantay uu tagay magaalada Badhan goobo ay kamid yihiin Jamacadda Maakhir Univercity, ceelka biyaha degmada oo ah mid taariikhi ah laga soo bilaabo xiligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo isbitaalka guud ee degmada Badhan iyo goobo kale oo waxbarasho.

DAAWO SAWIRADA MURASHAX DR. CALI XAAJI WARSAME EE BADHAN

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20657

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]