|

Shirar ka socda magaalada Kismaayo si xawliya

KISMAAYO, 07 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya kulamo ay wadaan masuuliyiin ka socda golaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo madaxda maamulka Jubaland.

Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo shalay isaga iyo wefdi la socda ay gaareen magaalada kismaayo ayaa xalay kulamo halkaasi kula qaatay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ku xigeenadiisa,iyadoona kulamadaasi diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa in kulamo kale oo siyaasadeed ay Kismaayo ku dhex maraan madaxda maamul goboleedka Jubaland iyo masuuliyiinta ka socota golaha Aqalka sare ee dalka iyadoona la filayo in kulamada kadib qodobo muhiim ah laga soo saaro.

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka madaxda dowlada Federaalka dalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inkastoo dadaalka aqalka sare uu ssameyn ku yeeshay doorashooyinka ay wajahayaan dowlad goboleedyada dalka.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com 

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20701

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]