|

Soomaali iyo Mareykan oo weerar culus qaaday

GAROOWE, 05 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararka sheegayaan Ciidamada is garabsanaya ayaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca kaga degtay banaanka deegaanka Awdheegle, waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay xalay howlgal ka fuliyeen xarun Al-Shabaab ku laheyd Awdhegle, isla markaana lagu soo qabtay walxaha qarxa.

Lama sheegin faah faahin intaas ka badan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20599

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]