|

Xildhibaanada Soomaaliya oo mooshin keenay kulana leh maantay

MUQDISHO, 05 DECEMBER (ALLSHACABKA)

Xildhibaanada Golaha Shacabka dawladda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kullanka ayaa  maanta waxaa  looga hadli doonaa  akhrinta 3-aad hindise sharciyeedka Leelitirka, waxaana loo madalsanyahay in xildhibaanada golaha Shacabka ay ka doodaan hindise sharciyeedkaani.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Kulanka Xildhibaanada,isla markaana ay soo xadiraan Kulanka.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dhanka kale kulanka ay Maanta yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta ka duwan kulamadii hore tan iyo markii Guddiga Maaliyadda ay horkeneen Golaha Shacabka Warbixin Maaliyadeed ,isla markaana ay ku shegeen in Xukuumadda Soomaaliya ay Musuq maasuqday lacag badan, waxaana arrintaasi ay horseeday in Khilaaf uu soo kala dhexgalo Guddiga Maliyadda, iyadoona Khilaafkaasi uu sababay in ay baaqdaan Kulamo badan oo ay yeelan la hayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyada iyo is afgaradyada lala galay dalal shisheeye.

Illaa 10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedin ku saabsan heshiisyada lala galay dalalka shisheeye, intii uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo laga codsaday Guddoonka inuu furo dooda ku saabsan heshiisyadaas.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday safaradii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya iyo heshiisyadii is afgaradka saddexda dalka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka,si ay u sugaan Amaanka Xarunta golaha Shacabka.

HOOS KA AKHRISO MOOSHINKA

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=20597

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]