|

11 dal oo ka tirsan EU-da oo aqoonsaday Madaxweynaha Mucaaridka Venezuela

PARIS, 05 JANAURY (ALLSHACABKA)

Qaar kamid ah wadamada reer Yurub ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa isniintii shalay ku dhawaaqay inay Madaxweynaha rasmiga ah ee Venezuela u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi Juan Guaido.

Juan Guaido oo hogaamiya Mucaaridka Venezuela ee awooda kuleh Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu yahay Madaxweyne Kumeel gaar ah isla markaana soo diyaarin doono doorashooyin cusub, wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha xilka haya ee Nicolas Maduro inuu ku tuntay sharuucda dalkaasi.

Maraykanka ayaa durbaba aqoonsaday hogaamiyaha mucaaridka balse illaa iyo hada dalalka Midowga Yurub ayaa ka gaabsanayey, waxayna illaa iyo Axadii u qabteen ugu danbeyn Nicolas Maduro inuu aqbalo wadahadal iyo inuu soo qaban qaabiyo doorashooyin cusub.

Maduro oo codsiga EU-da diiday ayaa ku tilmaamay hanjabaada Yurub mid lamid ah farogelintii Gumeystayaasha.

Dalalka Spain, Austria, Britain,  Czech Republic, Denmark, France, Germany, Poland, Portugal iyo Sweden ayaa shalay ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Juan Guaido.

Madaxweynaha xilka haya ee Maduro ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan xiriirkii ay la lahaayeen dalalkaasi reer Yurub, isagoo si gaar ah u weeraray Raysalwasaaraha Spain Pedro Sanchez oo uu sheegay inuu arrintan kasoo shaqeeyey isla markaana u adeegayo Maraykanka.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com

Short URL: http://www.allshacabka.com/?p=21082

Comments are opened

300x250 ad code [Inner pages]