DAAWO: Somaliland oo xirtay Xildhibaan ka mid ah Baarlamaankooda

HARGEYSA, 10 MAY (ALLSHACABKA)

Ciidamada ammaanka Soomaaliland ayaa xabsiga magalada Hargeysa waxa ay dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool.

Xildhibaanka oo ka hor xarigiisa aan xasaanada laga qaadin ayaa loo xiray sababo la xiriira in maalinta 18-ka Bisha May uu sheegay in aysan aheyn maalin Qaran, balse ay tahay maalin ay leeyihiin Ururka SNM ee beesha Isaaq.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland, sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa.

Siyaasiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ay si kulkul uga hadleen xariga Xildhibaank, iyaga oo Madaxweynaha Soomaaliland ku eedeeyey in ay dadka caburineyso.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo Samaroon ayaa inta badan la bahdilaa, jirdil loo gaystaa siweyma loogu caayaa baraha bulshada ee maamulka Somaliland.

Xildhibaanada beesha Isaaq ayaan la xirin ama la jirdilin marka ay caayaan beelaha Daarood oo maalin walba Xildhibaanada Isaaq u gaystaan gafaf waaweyn.

DAAWO SABABTA LOO XIRAY

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com


Wakiilka Xogta Shacabka Allshacabka.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Allshacabka@yahoo.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

 
/