Deni oo casho u sameeyey Madaxdii shirka Garoowe qayb kamid ah

GAROOWE, 11 MAY (ALLSHACABKA)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe afur iyo casho sharaf u sameeyey qaar kamid ah madaxdii ka qaybgashay shirkii wadatashiga ee Garoowe ka socday muddo toddobaadka ah.

Hadimo sharafeedka Afurka iyo Cashada ah oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiinta Goleyaasha DFS, kuwa Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Maanta, waxaa caasimadda Garoowe ka dhoofay Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka, Madaxweynayaashii Galmudug iyo Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib markii uu burburay shirkii Garoowe oo madaxdu isku-afgaran waayay qodobadii la isku hayay.

Laxariir

Allshacabka1@gmail.com


Wakiilka Xogta Shacabka Allshacabka.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Allshacabka@yahoo.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

 
/